(Milano) 12 Juun 2023 – Dunida siyaasadda iyo Kubadda Cagta ayaa waxaa soo gaartey dhimashada Silvio Berlusconi, oo ahaan jirey RW Talyaaniga, sidoo kale MW kooxaha AC Milan iyo AC Monza.
Silvio Berlusconi waxa uu ahaa maalqabeen dhanka saxaafada ka xoolaystay islamarkaana ahaa siyaasi Ra’iisal Wasaare kasoo noqday dalka Talyaaniga afar dowladood oo kala ah 1994 ilaa 1995, 2001 ilaa 2006 iyo ugu dambayn 2008 ilaa 2011-kii.
Ganacsadahan Talyaanigu wuxuu ku dhintay maanta oo Isniin, Juun 12, isagoo yaalley Isbitaalka San Raffaele ee Milano, wuxuu jirey 86 sano.
Berlusconi ayaa la dhigay isbitaalka Jimcihii dhowaa. Waxa uu horeba maalmo ugu qaatay daryeelka deg degga ah intii u dhaxaysey bilihii April iyo Maajo sababo la xiriira oof-wareen loo malaynayo in uu ka dhashay kansarka dhiigga oo uu qabey ama leukaemia.
Waxa uu hore u maray qaliin wadnaha ah oo furan sanadkii 2016-kii si looga bedelo waalka xididada wadnaha. Waxaana la sheegay in cudurku uu ka saameeyey wadnaha iyo sambabka.
Wuxuu hadda ahaa Madaxwaynihii kooxda Monza, oo hadda dhammaystay ololahoodii ugu horreeyey abid ee Serie A. Waxa uu iibsaday Brianzoli 2018-kii, isaga oo u horseeday dallacaaddoodii ugu horreeysey ee taariikhda ay ku yimaadaan Horyaalka Talyaaniga 2021-22.
Berlusconi wuxuu sidoo kale taariikh la sameeyay AC Milan, isagoo noqday Madaxwaynihii ugu guulaha badnaa ee Diavoli wuxuuna ku guulaystey 29 koob muddo 31 sano ah.
Hadalsame Media