Qoraalkii sheegayey in la bililiqaystay Safaaradda Somalia ee Sudan oo la tirtiray (Dal loo malaynayo inuu dhibsaday eray qoraalkiisa ku jirey)

0

(Khartuum) 12 Juun 2023 – Safaaradda Somalia ee magaalada Khartuum ayaa maanta la sheegay in bililiqo loo gaystey iyadoo halkaa laga qaatay gaadiidkii Safaaradda, sida uu goor dhowayd sheegay Danjiraha Somalia u fadhiya halkaasi.

Danjire Maxamed Sheekh Isaaq, ayaa qoraal kooban ku xusay in la qaatay gawaaridii Safaaradda, taasoo uu ku eedeeyey wax uu ku sheegay ”malliishiyo aan ixtiraamaynin qawaaniinta caalamiga ah”, balse ma xusin magacooda.

”Waxaan Cambaareeynayaa falkii wuxuushnimada ahaa ee lagu bililiqeeyatey Guriga aan ka deganaa Magaalada Khartoum ee dalka Suudaan lana qaatey gawaarigiidii Safaaradda Soomaaliyeed,” ayuu ku bilaabay.

”Falkaasi wuxuushnimada ah oo ay sameeyeen maaleeshiyaad hubeysan ee aan ixtiraameeynin qawaaniinta caalamka iyo xurmadaha ay leeyihiin xarumaha Diplomasiyiinta taasoo ka baxsan akhliqiyaadka dhaqameed.” ayuu raaciyey.

Yeelkeede, Safiirka Somalia u fadhiya dalka Suudaan, ayaa mar dambe bartiisa Facebook-ga oo uu warkan horay ugu baahiyey ka saaray oo wuu tirtiray.

Safiirka ayuu hadalkiisu si u duqaynayey maleeshiyada hubaysan ee Imaaraatka Carabta maalgaliyeen ee Gurmadka Deg Degga ah, kuwaasoo uu ku sifeeyey in aysan Ixtiraamaynin sharciyada caalamiga ah iyo xurmadaha ay leeyihiin xarumaha diblomaasiyaddu, lamase oga inuu cadaadis halkaa uga yimid iyo in kale.

Hadalsame Media