(Muqdisho) 12 Juun 2023 – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Soomaaliyeed, NISA, sida magaceeda ka muuqata waxay qabataa laba shaqo oo tan koowaad tahay ‘ sirdoon’. Ta labaadna tahay nabadsugid.
Qeybta sirdoonka oo ahayd tan ugu muhiimsan ayaa meesha ka maqan, hoggaankeeda hadda iyo kuwii ka horreeyeyna wax aragti ah kama laha kamana lahayn dhismaha, tababaridda iyo howlgalinta qeybtaas muhiimka ah.
Waxay taas baddalkeeda soo saareen wax u muuqda maleeshiyaad iyo askar ku hubeysan gaadiidka iyo hubka milatariga. Tusaale, muddadii sanadka ahayd ee uu agaasime Mahad Salaad xafiiska joogay, wuxuu soo saaray ciidan sida milatariga u hubeysan oo lagu magacaabo ‘New-waran’. Waa ciidan qaba tuute garabka loogu tolay magaca hay’addii sirdoonka ee Nisa.
Anigu waxaan Mahad ka filaayey inuu, sideyda, qabi karo aragtida ah in NISA hubka laga dhigo 60%, tartiib tartiibna loogu diyaariyo wiilal iyo gabdho dhiifoonaan sirdoon lagu xulay, si wanaagsanna loogu tababaray howsha xuuraanka iyadoo aad loo hubinayo shaqadooda.
Marnaba ma ahayn in howsha hay’adda ciidameyn hor leh lagu soo kordhiyo. Waa run inuu agaasimuhu intii uu xilka hayey soo tiro aanan halkan ka sheegeyn oo wali ah isla qeybta nabadsugidda. Waa dhallinyaro dharcad ah oo aan howlgalintooda dhaliilay.
Maalin dhaweyd, gabar ayaa iga soo wacday xaafad ka mid ah degmada Yaaqshiid. Waxay ii sheegtay inay maalmahaan xaafadda kusoo bateen dhallinyaro aan xaafadda daganeyn kuwaas oo 3 ama 2 u fadhiya jardiinooyinka guryaha ee la fariisto.
“Dhawr mar ayaan bannaanka gurigeyga ku arkay” ayey tiri iyada oo markaas qabtay cabsi ah inay Shabaab yihiin. Waxaan soo ogaaday in ciyaalkaasi ay ka tirsanyihiin qeybta nabad sugidda ee NISA.
Wiilasha noocaas ah waxay ahayd in laga qoro xaafadahooda iyada oo marka horeba loo sheegayo inaan qofna ogaan shaqadooda. Kuwaasi waxay yaqaanaan qofkasta oo xaafadda ku cusub ama Shabaab ah. Laakiin ka warrama in nabadsugiddii nafteeda dadkii xaafaddu kaga shakiyaan Shabaabnimo.?
Meelaha qaarkood ayaan maqlay in si sax dharcadka loo howlgaliyey oo dhallinyarada qaar xaafadahooda loo diray si ay amaanka u sugaan.
Ugu dambeyn, agaasimaha iga gaarsiiya inuusan maal iyo maskax nooga qasaarin askar dhashiikeyaal ku hubeysan oo gaadiidkooda iyo dharkoodaba loogu qoray magacii hay’addii sirdoonka oo ay ahayd in wuxuba qarsoonaadaan. Iga gaarsiiya inuu ardayda jaamacadaha iyo kuwa dugsiyada sare ka xusho kuwa ugu buundooyinka sarreeya iyo kuwa dareenkooda dhiifoonaantu sarreeyo, si loogu tababaro qeybta maqan ee SIRDOONKA QARANKA.
Waxaa Qoray: Qaasim Nero.
Hadalsame Media