(Khartuum) 12 Juun 2023 – Safaaradda Somalia ee magaalada Khartuum ayaa bililiqo loo gaystey iyadoo halkaa laga qaatay gaadiidkii Safaaradda, sida uu goor dhowayd sheegay Danjiraha Somalia u fadhiya halkaasi.
Danjire Maxamed Sheekh Isaaq, ayaa qoraal kooban ku xusay in la qaatay gawaaridii Safaaradda, taasoo uu ku eedeeyey wax uu ku sheegay ”malliishiyo aan ixtiraamaynin qawaaniinta caalamiga ah”, balse ma xusin magacooda.
”Waxaan Cambaareeynayaa falkii wuxuushnimada ahaa ee lagu bililiqeeyatey Guriga aan ka deganaa Magaalada Khartoum ee dalka Suudaan lana qaatey gawaarigiidii Safaaradda Soomaaliyeed,” ayuu ku bilaabay.
”Falkaasi wuxuushnimada ah oo ay sameeyeen maaleeshiyaad hubeysan ee aan ixtiraameeynin qawaaniinta caalamka iyo xurmadaha ay leeyihiin xarumaha Diplomasiyiinta taasoo ka baxsan akhliqiyaadka dhaqameed.” ayuu raaciyey.
Iskahorimaad hubaysan ee ka holcaya Suudaan ayaa dhexeeya millateriga Dowladda Suudaan iyo malliishiyo isla iyaga ka tirsanaa oo la yiraahdo Gurmadka Deg Degga ah, kaasoo bilowday 15-kii Abriil 2023, markaasoo iskahorimaadyo ay ka dhaceen magaalooyinka, iyadoo dagaalku uu u badan yahay magaalada caasimadda ah ee Khartuum iyo gobolka Darfur.
Hadalsame Media