Dalkii ugu horreeyey oo Muslim ah oo bilaabay inuu lacag aan Doollar ahayn ku iibsado saliidda RUUSHKA

0

(Hadalsame) 12 Juun 2023 – Pakistan ayaa lacagta Yuan-ka Shiinaha ku bixisay shixnaddeedii ugu horreeysay ee saliid cayriin ah oo ka timid Ruushka, sida ay Wakaaladda Wararka ee Reuters ay kasoo xigatey Wasiirka Batroolka Pakistan, Musadik Malik.

Shixnadda ayaa la geeyey dekedda Karachi, KADDIB heshiis ay wada gaareen Ruushka iyo Pakistan bishii Janaayo. Dalabka ugu horreeyey ee heshiiskan ayaa la diray bishii Abriil.

Malik ma uusan shaacin wax tafaasiil ah oo kale oo ku saabsan qiimaha ama qiimo dhimista lagu dabaqay iibkan. Sida laga soo xigtey wargayska, wax ku kala iibsiga lacagta Yuan kuse wuxuu ka dhigan yahay isbeddel wayn oo ku yimid siyaasadda lacag-bixinta dunida uu cududda ku lahaa Doolarka Maraykanka, taasoo ah tillaabo cusub oo ay u bareertay Pakistan.

Ruushku waxa uu Pakistan la saxiixday heshiiskan saliidda kaas oo qayb ka ah dadaal lagu doonayo in lagu kala duwo dakhliga dhoofineed ee Moscow kaddib markii lagu dhuftay xayiraado wadajir ah oo ay soo saareen Midowga Yurub, G7 iyo xulafadooda bishii Diseembar, taasoo ay wehliso qiimo xadidid dhan $ 60 halkii fuusto.

Moscow ayaa waxay suuqeedii iyo qulqulka saliideeda u wareejisey wadamada sida Hindiya iyo Shiinaha waxayna gorgortanka weliba ku gashay in lacagaha lagu bixiyo mid aan ahayn Doollarka Maraykanka cunaqabataynta awgeed, taas oo si wax ku ool u ah Moscow maadaama ay doonayso inay u gooyso nidaamka maaliyadeed ee Galbeedka.

Hadalsame Media