(Muqdisho) 12 Juun 2023 – Shalay Gobolka Banaadir ayaa soo saaray go’aan ay dadwaynuhu aad uga biyo diideen oo aan maangal ahayn kaddib markii ay sheegeen inaan askarta la saari karin mootooyinka Bajaajla.
Is waydiintu waxay tahay, horta marka ay go’aanka soo saarayaan maamulladu kuwo fikira oo arrimaha doodo dhowr lakab ah mariya ma aha miyaa?
Waa lasoo istaagey kaddibna waxaa si fudud loo yiri “Bajaajlow askari ma qaadi kartid!” Yeelkeede, waxaa jira caqabadahan:
1 – Amarkaas waxaa mudan askariga ee isaga hallagu yiraahdo “ma raaci kartid Bajaajka.”
2 – Askar aan intooda badaniba fadhin, aan dishibiliin gaar ah raacin, isla xisaabtan adagina ku xiriirin, misna hubaysan sidee Bajaajle u diidi karaa?
3 – Ma jiro sharci Bajaajlaha u diidaya inuu askariga qaado ama askariga ka mammuucaya inuu Bajaaj raaco, sidaa darteed, muxuu yahay sharciga lala tiigsanayaa? Ma hadalka Afhayeenka Gobolka ayaa sharcigii ah micnaha?
Marka hore waa in sharcigaas lasoo saaraa.
W; Q: Maxamed Xaaji
Hadalsame Media