Sheeko u qaab eg musalsalkii Lost oo ka dhacday Kaymo-roobaadka Amazon (Ilmo yar yar oo la helay 40 maalmood kaddib)

0

(Hadalsame) 11 Juun 2023 – “Carruurtii reer Koloombiya ee mucjisada ku badbaadday”

Waa ciwaanka keliya ee ku habboon warka afar ilmood oo 40 cisho ku lunsanaa kaynta dunida u gu weyn u guna cufan ee Amazon oo haddana nolol iyo nabadqab la gu helay. DAAWO

Lesly oo 13 jir ah iyo saddex wiil oo walaalaheed ah oo da’doodu ka la tahay 9 jir, 4 jir iyo gu jir, una dhashay qabiilka Indiyaan ah oo la yidhaahdo Huitoto, wax ay diyaarad yar oo kaymaha la ga ga gudbo la raaceen hooyadood iyo laba qof oo kale oo waaweyn, si ay u tagaan tuulo kale.

Diyaaraddii badhtamaha kaynta ayay ku soo dhacday, saddexdii qof ee waaweynaana shilkii bay ku dhinteen, laakiin afartii ilmood waxba ma ay noqon ee waa ay ka baxeen. Xaggee ayay se u ga baxeen? Baaxadda kaynta Amazon diyaarad yar baad sheegaysaa ee diyaaradaha dunida u gu waaweyni haddii ay ku dhacaan sida loo helaa waa ay adag tahay, carruur ku luntayna hadalkoodba daa.

Kayntii markiiba waxaa la gu sii dhex daayay 150 askari oo millateri ah oo wata helukabtarro, eey iyo 70 qof oo dalyaqaan ah. Laba toddobaad bay qaadatay in la helo burburkii diyaaradda iyo maydkii dadkii waaweynaa, laakiin saddexdii carruurta ahaa raq iyo ruuxba waa la waayay.

Bil iyo toban cisho ayaa la raadinayay carruurtaa uu ku jiro ilmo aan weli gugiisii kowaad u buuxsamin.
Tab iyo xeelad kasta waa la sameeyay oo ilaysyo waaweyn waa la shiday, samaacado cod dheer waa la gu dhawaaqay, warqado afkooda ku qoran waa la daadiyay, sidoo kale kiishash raashin iyo biyo ah samada waa la ga soo qubay, wax natiijo ah se la ga ma gaadhin 40 cisho. Muddo intaa dherer la’eg ilmo yaryari ma ku dhex badbaadi karaan kayn cufan oo ay ka buuxaan masas, abeesooyin, kaneeco iyo haliso aan tiro lahayni? Muddo intaa la’eg ma la noolaan karaa cunto la’aan iyo biyo la’aan, ay dheer tahay cabsida iyo argagaxa cidladu?

Quus baa la taagnaa carruurta noloshooda raqdoodii ayaa se la raadinayay markii Jimcii la helay afartoodiiba iyaga oo noolnool oo weliba cagahooda ku taagan. Sidee bay ku badbaadeen 40 cisho? Saddex arrimood baa ka dhex muuqda guusha badbaadada walaalahaa yaryar. Ta hore waa gabadha 13 jir oo ah qof halyeyad ah. Sida ayeydeed sheegtay waa qof yar oo karti badan oo xilkas ah aadna u gu wanaagsan xannaanaynta walaalaheed. Dhanka kale Lesly wax ay aqoon u lahayd dhaqanka iyo hab-nololeedka tolkeed ee ah sida kaynta loo gu noolaado. Wax wal oo kaynta la cuni karo waa ay taqaannay oo walaalladeed siisay, wax kasta oo halis ahna waa ay ka ilaalisay.

Marka labaad nasiib wanaag wax ay ahayd xilli kayntu midhaysay oo irsaaqaddu ku badan tahay, wax ayna heleen qadhaab leh midho, khurad, cayayaanka la cuno iyo geed ay dadkaasi daqiiq ka samaystaan. Marka saddexaadna sida muuqato carruurtu ma ay wajiqin oo ma ay firxan, taas oo ay ku waayi lahaayeen tamar badan. 40 cisho wax ay wareegayeen oo keliya 5 km, oo ay ka qadhaabanayeen.

Kaynta ayaa jiq ahayd oo aadan haddii indhaha faraha la gaa gelinayo arkayn ee carruurta dadkii raadinayay marar badan aad bay u gu dhowaadeen, oo mararka qaar wax ay u jirsadeen 20 iyo 50 mitir.

Carruurtaa badbaadadooda waxaa la ga baranayaa laba arrimood oo waaweyn oo ka la ah, in aad haddii degaankaagu fayow yahay aad gaajada ka ga badbaadi karto, iyo in aqoonta aad degaanka iyo noloshiisa u yeelata ku badbaadin karto.

W; D: Ibraahim Hawd

Hadalsame Media