(Hadalsame) 11 Juun 2023 – Pep Guardiola ayaa u muuqdey mid daallan BALSE aad u faraxsan markii uu eegay billadda qaaliga ah ee uu ku guulaystaha Champions League wuxuuna dhoolla cadeeyey isagoo leh: “Waxa calaf ku qornaa xiddigaha – xilli ciyaareedkan annagaa iska leh”.
Tababaraha reer Catalan ayaa qiray in Manchester City aysan xalay ahayn kooxdii fiicnayd, balse ay fuushay nasiibkeeda isagoo soo koobaya nuxurka shucuurtiisa dhamaadkii xilli ciyaareedkooda taariikhiga ah.
Waxa uu yiri: ‘Waxaan dareemayaa daal, degenaansho iyo qanacsanaan, dabcan.
‘Koobkan b*****s aad bay u adag tahay in lagu guulaysto. Waa wax aan macquul ahayn.
“Inter runtii aad ayay u fiican tahay koox ahaan. ‘Samir yeesha’, ayaan kooxda ku iri waqtigii nasashada. ‘Waa inaad nasiib leedahay si aad koobkan CL u qaaddo.’ ayuu raaciyey.
Hadalsame Media