”Inta KM ee aad karteen waxay ahayd inaad guriga iska joogtaan” – Taageerayaasha Milan oo ku camirtay Inter

0

(Milano) 11 Juun 2023 – Taageerayaasha AC Milan ee Curva Sud ayaa ku maadsadey kooxda Inter Milanoo xalay laga qaaday koobka Champions League oo ay guuldarro ku badday Manchester City xalay.

Boorar cusub ayaa la suray waddooyinka Milano waxaana ku qornaa weedha soo socota: “Dhammaan intaas KM ee aad socotay, inaad guriga iska joogtid ayaa ka fiicnaan lahayd.”

Jeesjeesku intaa kuma ekaane waxaa sidoo kale lagu camirtay laacibka garabka ah ee Federico Dimarco oo ay isna boor ka sameeyeen, kaasoo ay ku dhigan tahay: “Makarafoonka Dimarco waa dansan yahay, kuma maqli karno”.

No description available.

Hadalsame Media