DAAWO: Maxaa xalay kala qabsaday taageerayaasha Man City & Booliiska Turkiga (Bas lagusoo bandhigayo koobabka ay qaadeen + Goorta & Goobta)

0

(Hadalsame) 11 Juun 2023 – Taageerayaasha Manchester City oo aad u faraxsan ayaa soo buux dhaafiyey waddooyinka iyaga oo u dabaaldegayey koobka Champions League ee ay qaadeen xilli dambe oo habeennimo ah.

Booliiska rabshadaha la tacaala ayaa lagu khasbay inay soo farageliyaan kaddib markii dad badan oo taageereyaal ah ay ku boodeen oo ay xitaa jejebiyeen baabuurtii ay wateen booliisku, iyo sidoo kale goob baska laga raaco.

Kooxda Kubadda Cagta Manchester City ayaa sanadkan 2023 ku guulaysatey seddexlay ka kooban Premier LeagueFA Cup iyo Champions League – kaddib markii ay ku garaaceen Inter Milan final-ka Champions League oo ka dhacay, Istanbul, Turkiga.

Taageerayaasha ayaa sidoo kale isugu soo baxay waddooyinka Manchester iyaga oo sita calamo iyo biir halka ay ku dhawaaqayeen heeso xamaasad leh oo ah ‘City, City’ iyo ‘Champions of Europe, iyo waan ognahay waxa aan nahay’ oo ay ku dhawaaqayeen, iyagoo buux dhaafiyey Piccadilly Gardens.

Tababare Pep Guardiola iyo ciyaartooydiisa ayaa dhammaan saddexda koob ee ay qaadeen bas dusha ka furan kusoo bandhigi doona magaalada Manchester fiidnimada Isniinta berri ah, iyagoo ku dambayn doona waddada wayn ee Princess Street.

Hadalsame Media