(Muqdisho) 10 Juun 2023 – Waxay u dileen maxaad ugu soo baxdeen jawiga deggan ee quruxda badan oo ay hirka badda iyo hawada neecawda leh is haleelayaan?
Waxay duullaan ku yihiin farxadda iyo quruxda nolosha, nabadda, iyo xasilloonida. Sida keli ah ee ay jiritaankooda ku muujin karaan waa in ay weeraro argagaxisnimo, dil iyo xasuuq geystaan, haddii kale waa la iloobayaa, dadkuna amarkooda u hoggaansami mayaan.
Waa duul ka qalbi adag, ka arxan iyo naxariis daran, ka bahalsan maafiyada caalamiga ah iyo kooxaha ku hawllan danbiyada abaabulan.
Waxa keli ah ee la mid ah waa odayadii Carbeed ee xiligii jaahiliga hablaha ay dhalaan nolosha ku aasi jiray ee maalinta qiyaamaha iyaga iyo hablihii la is hor keenayo ka dibna inantii la nolol aasay la su’aalayo danbi caynkee ah ayaad galabsatay oo laguu dilay?
Dabcan inanta jawaab laga sugi mayo ee waxaa la doonayaa oo muuqaalkaa xanuunka iyo murugta badan loo keenayaa in la soo bandhigo naxariis la’aanta, qalbi adayga, caqli darrida iyo bahalnimada odayadii gabdhahooda nolosha ku aasay.
Waxaa taa la mid ah Argagexisada Shabaab oo ay hubaal tahay in la horkeenayo dadkii ay xalay ku laayeen Hoteelka Pearl Beach iyagoo neecawda iyo jawiga deggan si nabdoon ugu cawaynaya iyo kumanaankii kale oo ay hoteellada, iskuullada, maqaayadaha, suuqyada iyo jidadka ku dileen ama ku gawraceen.
War haddii aad xukun doonaysaan maxaad dadkii aad xukumi lahaydeen u xasuuqdeen? haddii aad gaalo la diririyseen dadkani waa muslimiin ehelkiina ah, haddii aad dawlad la dagaalayseen dadkani waa rayad aan cidna wax u gaysan.
Waxaa boggaadin mudan ciidamada amniga. Allaha u naxariiso intii xalay weerarkaas argagexiso ku nafwaayey, marka laga reebo kuwii weerarka soo qaaday.
W; Q: Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame,
Guddoonka Xisbiga Wadajir
Hadalsame Media