Ruushka oo “baabi’iyey” tawaangidii casriga ahaa ee Ukraine la siiyey

0

(Moscow) 10 Juun 2023 – Millateriga Ruushka ayaa “burburiyey” sagaal taangi oo Yukreeniyaan ah, oo ay ku jiraan afar Leopard 2 oo Jarmanku sameeyay, iyagoo sheegtay si guul leh uga hortageen isku dayo  ay ciidamada Kiev ku doonayeen weerar rogaal-celis ah, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushku.

“24-kii saacadood ee lasoo dhaafay, Ukraine waxay sii wadday isku dayo aan miro dhal ahayn oo ay ku qaadayso weerarka ku aaddan gobolka Zaporozhye ee uu Ruushku haysto, ee koonfurta Donetsk iyo meel u dhow magaalada Artyomovsk, oo sidoo kale loo yaqaan Bakhmut,” sida uu afhayeenka Wasaaradda Lieutenant Jeneraal Igor Konashenkov uu sheegay intii lagu guda jirey warbixin kooban oo uu soo saaray maanta.

“Gobolka Zaporozhye, ciidamada dhulka ee Ruushka, madaafiicda goobta iyo cirka ayaa iska caabiyey laba weerar oo ay qaadeen cutubyo waawayn oo Yukreeniyaan ah oo taangiyo ah dhanka aagga tuulooyinka Yablonevo iyo Novopokrovka.” ayuu yiri.

Laba ka mid ah kolonyada gaashaaman ee Kiev ayaa lagu garaacay meel u dhow degaannada Novodanilovka iyo Malaya Tokmachka, ayuu Afhayeenku sidoo kale sheegay.

Waxaa sidoo kale gobolka ka dhacay saddex weerar oo yaryar oo Yukreeniyaanku soo qaadeen, kuwaasoo iyagana aan lagu guulaysan, ayuu raaciyay.

Hadalsame Media