(Istanbul) 10 Juun 2023 – Manchester City ayaa caawa wajahaysa Inter Milan oo ay wada taagan yihiin final-ka Champions League iyada oo labada kooxoodba ay rajaynayaan inay hantaan koobka ugu wayn ee ay kooxi qaaddo.
Kooxda Pep Guardiola ayaa ku dhamaysatay labo koob oo maxalli ah oo kala ah horyaalka Premier League iyo koobka FA Cup-ka, kaddib markii ay dhowaan Wembley kaga badiyeen kooxda ay xafiiltamaan ee Man United. Hadda, si kastaba ha ahaatee, waxay raadinayaan guul taariikhi iyo inay dhameestiraan seddexleeydii ugu horreeysey.
Dhanka Inter Milan, waxa ay Fiorentina ku garaacday final-kii Coppa Italia si ay u helaan koobkoodii 2-aad xilli ciyaareedka, iyagoo horay u qaaday Koobka Supper Coppa Italianna oo ay ka qaadeen AC Milan, halka ay xaqiijisteen kaalinta seddexaad ee Serie A si ay CL u ciyaaraan fasal xiga.
Indhaha oo dhami waxay MARKAA eegi doonaan haddii uu tababare Simone Inzaghi doorto weeraryahankii hore ee City, Edin Dzeko, iyo inuu keeno xiddigga amaahda kaga maqan Chelsea ee Romelu Lukaku – halka City ay rajaynayso in Kyle Walker uu diyaar buuxda noqdo kulankan muhimka ah.
HALKAN KA EEG SAFAFKA SUURTAGALKA AH CAAWA
Man City – Ederson, Akanji, Dias, Ake, Stones, Rodri, Silva, De Bruyne, Gundogan, Grealish, Haaland
Inter Milan – Onana, Darmian, Acerbi, Bastoni, Dumfries, Calhanoglu, Brozovic, Barella, Dimarco, Martinez, Dzeko
Hadalsame Media