(Muqdisho) 10 Juun 2023 – ISLA XISAABTAN LA’AANTA DOWLADDA DARTEED AYAA DADKII LAGU LAYNAYAA
Waxa ugu horreeya ee aan ka sugayo Dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh waa:
1 – Inay xabsiga u taxaabto dhamaan askartii joogtay Isbaarooyinka afarta ah ee laga galo Liido si loo helo dambiileyaashii fududeeyey ama kuwii shaqadooda dayacay. Waa in sidoo kale hay’adaha amniga lagula xisaabtamo dayaca ka jira dhanka xeebta, gaar ahaan inta u dhaxeysa Kawaan bari iyo Liido oo markii iigu dambeysay aan lahayn askar ilaalisa xeebtaas iska furan ilaa Ceelmacaan.
2 – Ma xaqiijin karo laakiin dad ku dhow dhow hay’adaha amniga ee Muqdisho waxay ii sheegeen in xalay askarta nabadsugidda ee dharcadka ah iyo Booliskii xeebta ilaalin jiray labada lasoo wacay loona sheegay inay fasax yihiin laguna baddali doono ciidamo kale oo aan meesha la keenin si ay amniga goobta ugala wareegaan kuwa la fasaxay. Waxaa markaas muhiim ah in la ogaado saraakiisha ciidankaas fasaxa siisay.. nabad sugid iyo Boolis labadaba. (waa haddii ay arrintaai jirto).
3 – In maanta oo Sabti ah la bilaabo isla xisaabtan dhab ah oo la helo cid u qoolnaata oo masuuliyadda dhibkii dhacay qaadata loona ciqaabo si ay ciidanka intiisa kale cashar ugu noqoto.
Waagii Farmaajo ayaan dhowr jeer soo jeediyey in la qab qabto askarta joogta irdaha laga galo xeebta Liido oo la baaro maadaama dhowr mar Hoteello iyo maqaayado halkaas ku yaalla lagu weeraray baabuur qaraxyo ah iyo ciidan gudaha u galay xarumahaas, lana ogaado isbaarada gaariga qaraxa ah soo deysay laakiin cidda aan talada siinaayey ayaaba ahaa kuwo Shabaabka ku milmay oo la shaqeysta.
Ugu dambeyn macquul maaha in 10 sano ka badan aan qofna loo ciqaabin weerarro ay askarta iyo saraakiisha dowladdu fududeeyeen ama shaqadii dayaceen oo dad badan lagu laayey.
W; Q: Qaasim Cabdulle Xuseen
Hadalsame Media