Arrin dhacda mar kasta oo la weeraro goob dadwayne & Laba middood oo ay tahay in la sameeyo

0

(Muqdisho) 10 Juun 2023 – Hoteellada iyo Maqaaxiyaha lagu kulmo ee Muqdisho markasta waxay bartilmaameed u yihiin Argagixisada.

Markasta oo ay weerar ku qaadaan waxay dilaan dad badan oo shacab ah oo aan is-difaaci karin, waxaana la burburiyaa goobta ganacsiga ee la weeraray.

Waxaa soo daaha gurmadka, waxaana dheeraada soo afjarista kooxaha weerarka gaysta oo muddo dheer goobta haysta, wakhti badanna u hela in ay dadka gudaha kujira laayaan.

Miyaanay habboonayn in goobaha noocan oo kale ah la wardiyeeyo, ama la hubeeyo shaqaalaheeda loona tababaro sidii ay weerarada noocaasoo kale ah ay u wajihi lahaayeen?

Tobankii sano ee u dambeeyey waa ay dhacayeen weerarada noocan oo kale ah, waxaana u dhacayeen si isku mida, markastana waxaa dhimanayay shacab farabadan. Su’aashu waxay tahay maxaa laga bartay?

Tallaabo noocee ah ayaa la qaaday si loo yareeyo khasaaraha nafeed iyo tan maaliyadeed ee baaba’da? Waa maxay sababta aan loo yeelan qorshe ka hortag ah oo looga gaashaaman karo weeraradan sida isku midka ah u dhacaya muddada dheer?

W; Q: Khaliif Faarax Xayir

Hadalsame Media