DAAWO: Bollywood oo ceebaysay Norway & Sida ay carruurta u qaataan (Warbaahinta dunida oo hadal haysa)

0

(Hadalsame) 03 Juun 2023 – Muuqaallo naxdin leh ayaa lagu daawaday filim-ka Bollywood ee cusub ee Mrs Chatterjee vs Norway.

Filimku waxa uu muujinayaa sheekada dhabta ah ee safarkii foosha xumaa ee Sagarika Chakraborty oo ah hooyo u dhalatay dalka Hindiya oo dagaal sharci ah oo socday muddo bil ah la gashay hay’adda haynta caruurta  Norway ee Barnevernet.

Waxyaabaha la yaabka leh ee sheekadan oo markii dambe ay soo faragelisey DF Hindiya ku jira waxaa ka mid ah; in hooyadan ilmaha looga qaatay inay gacanteeda raashinka ku siisay, inaysan iyada eegin marka ay la joogaan kooxaha Social-ku iyo inay albaabka xirtey xilli uu cunugeeda roon uu ka daba ordayey.

Waxyaabaha yaabka leh waxaa ka mid ah in ilmaha qaab qafaal ah loo qaatay tiiyoo aan qoyska la wargelin.

Qoysas kale ayaa iyana ilmaha looga qaatay sheekooyin rakhiis ah sida in ilmaha aabohood uu dabaal yahay.

Dadkii lagu waraystay barnaamij uu ka sameeyey Hilinka TRT ayaa sheegay in Norway ay barnaamijkan dad ku shaqaalaysay uun, kuwaaasoo aan wax aqoon ah u lahayn qoys iyo dhaqamo kale toona.

Ilmaha Norway lagu qaato 36% waa dadka ajnabiga taasoo ah tiro aad u badan maadaama ay dalka ka yihiin 16% oo qura.

Hadalsame Media