OPEC oo albaabada ka xiratey hay’ado waawayn oo warbaahineed oo reer Galbeed ah (Dal Muslim ah oo ka dambeeya)

0

(Vienna) 01 Juun 2023 – Ururka Wadamada Dhoofiya Shidaalka (OPEC) ayaa diidey in ay ku casuumaan wariyeyaasha Bloomberg News iyo Reuters shirkooda ka dhici doona Austria dabayaaqada todobaadkan, sida ay labada xarumoodba sheegeen.

Weriyeyaasha ka socda Wall Street Journal sidoo kale albaabada laga xirtey, sida ay sheegeen Reuters iyo Bloomberg.

In kasta oo shaqaalaha saddexda hay’adood ee warbaahineed ay sida caadiga ah soo duwaan wararka shirarka waawayn ee OPEC, Bloomberg waxay sheegtay in waqtigan qabanqaabiyayaashu ay go’aansadeen inay martiqaad toos ah u diraan saxafiyiinta, taas oo ka soo horjeeda in si fudud la siiyo aqoonsi suxufi kasta oo doonaya inuu ka soo qaybgalo shirka.

“Waan ka xunnahay in Reuters aan lagu casuumin,” ayuu ku af gobaadsaday afhayeen u hadlay OPEC, isagoo raaciyey in hay’adda OPEC ay kala hadashay Reuters si ay ugu caddayso arrinta.”

“Waxaan aaminsan nahay in saxaafadda xorta ah ay u adeegto aqristayaasha, suuqyada iyo danaha dadwaynaha,” ayuu afhayeenku ku daray. Bloomberg waxay iyana sheegtay inay la xiriirtay xoghaynta OPEC, laakiin wax jawaab ah aysan ka helin.

Hay’adaha ayaa weli la filayaa inay weriyayaal u diraan Austria, xitaa haddii aanay geli karin goobta shirka OPEC, halkaas oo ay wasiirradu ku kulmayaan, sida laga soo xigtey Financial Times (FT), oo xustay inay iyadu heshay martiqaadka.

Wargeyska ayaa intaa ku daray in Dow Jones oo liis gareeya suuqyada saamiyada sidoo kale loo diiday casuumaadda.

FT oo soo xigtey dad xog-ogaal u ah arrintan ayaa sheegay in Wasiirka Tamarta Sacuudiga ee Amiir Cabdulcasiis Bin Salmaan uu ka dambeeyo jacda lagu dhejiyey hay’adaha caanka ah ee warbaahineed.

Hadalsame Media