Mid ka mid ah ergada MW Somalia oo loo diidey inuu ka dhoofo magaalada Garoowe + Sababta

0

(Garoowe) 31 Maajo 2023 – Ammaanka Maamulka Puntland ayaa maanta Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe ku xayiray oo inuu ka duulo u diidey Ergayga Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha dhaqaalaha iyo ganacsiga.

Ergayga ayaa kusii jeeday magaalada Muqdisho walow aan la faahfaahin ujeedka safarkiisa.

Masuuliyiinta Garoonka Fiyaaradaha Garoowe, ayaa la sheegayaa inuu sii qabey amar ahaa in uusan garoonka ka dhoofi karin Khadar Cabdiraxmaan Faroole oo ka mid ahaa afar xubnood oo dhowaan loo jaray barwo lagusoo xirayo, inkastoo markii dambe laga noqday.

Lama garanayo ujeeddada loo haysto Ergayga, hase ahaatee, warar laga helayo ilo xog ogaal ahi waxay waxay sheegayaan in loo haysto shaqaaqadii dhowaan ka dhacday isla Garoonka Diyaaradaha caasimadda Puntland.

Xilligaa, ciidamo ka tirsan Puntand iyo maleeshiyaad kasoo horjeeda doorashada shacbawiga ah ayaa isku rasaaseeyey agagaarka Garoonka, halkaas oo ay ku dhinteen labo askari oo ka tirsan Ciidanka Ammaanka.

Xarrigiisa ayaa la tuhmayaa inuu salka ku hayo amar kasoo baxay Madaxtooyada Puntland. Waayo Madaxtooyada ayaa aaminsan in Khadar Faroole uu ka tirsan yahay shakshiyaadka gadaal ka taagan in khalkhal la geliyo doorashada Golaha Degaanka ee Garowe.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Cabdi Faarax Siciid “Juxa” ayaa dhowaan isna ku eedeeyey inuu Madaxwayne Xasan Sheikh Maxamuud wakiil uga yahay, sidii loo carqaladayn lahaa doorashada qof iyo cod ee Puntland, balse ma keenin wax taa caddaynaya.

Hadalsame Media