(Muqdisho) 31 Maajo 2023 – Ra’iisul RW Xamsa Cabdi Barre ayaa si adag uga hadlay sida looga fal-celiyay go’aamadii kasoo baxay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka, oo soo saaray qodobbo qaar badan oo ka tirsani ay gees marsanaayeen Dastuurka dalka, waloow uu MW Xasan Sh u muuqdey mid markii dambe arrintaa iska bari yeelay isagoo sheegaya in dalku uu leeyahay hay’aad sharci dejineed.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaase hadda markii ugu horreeysey ka hadlay dad diidey heshiiskaasi oo uu ugu horreeyo MW Deni, waloow uusan isagu cid gaar ah magac dhabin, wuxuu tilmaamay in qof ama koox meel fadhida aan loo dabranaan doonin oo ay soconayaan waxa ay dadka Soomaaliyeed ee guud doonayaan.
“Dadka Soomaaliyeed meesha ay kusii jeedaan ayaa garanaynaa annagu. Wax hebel iyo hebel ay rabaan ma soconayaan, laakiin waxa ay dadka Soomaaliyeed doonayaan ayaa soconaya,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xusay in la gaarey xilligii uu dalku iskii horay ugu socon lahaa oo ay Soomaalidu isku filnaan lahayd oo isku tashan lahaayeen, iskana xorayn lahayd Al-Shabaab, islamarkaana aan Dastuurka la dhamaystiri lahaa.
“Dacaayadaha iyo mashaakilku ha iska socdaan, dalkaan waxaa dhaafin kara meeshaan qof lagu dhagan yahay balse uu hiigsigiisu cad yahay.” ayuu raaciyey iyadoo Ra’iisul Wasaaruhu uu ugu dambayntii ka dhawaajiyey in marjaca ugu dambeeya ee go’aanada Golaha Wadatashiga Qaranku uu yahay Baarlamaanka DF, kaasoo isagu saxaya haddii ay dhacdo inuu Goluhu wax khaldo, hase yeeshe aan cid kale loo joojinayn, sida uu qabo.
Hadalsame Media