(Ankara) 29 Maajo 2023 – Hoggaamiyeyaasha dunida ayaa waxay mar qura ku xoomeen baraha bulshada iyo madlaha caamka ah si ay ugu hambalyeeyaan MW Recep Tayyip Erdogan, oo ku guulaystey doorashadii taariikhiga ahayd ee Axaddii loo doortay Madaxwaynaha qarankiisa.
Madaxwayne Erdogan ayaa ku guulaystey doorashada Turkiga isagoo helay 52.14% codadkii la dhiibtay, wuxuuna ka adkaaday musharraxa mucaaradka ee Kemal Kilicdaroglu oo helay 47.86%
Madaxwaynaha Maraykanka ee Joe Biden ayaa ugu hambalyeeyey Madaxwayne Erdogan dib u doorashadiisa, isagoo sheegay inuu rajaynayo sii wadidda iskaashiga labada dal iyo caqabadaha caalamiga ah.
Madaxwaynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sidoo kale ugu hambalyeeyay Erdogan oo uu ”saaxiibkii” ku sheegay guusha uu ka gaarey doorashada.
Sidoo kale Ra’iisal Wasaaraha Britain ee Rishi Sunak, Madaxwaynaha Faransiiska ee Emmanuel Macron iyo Hoggaamiyaha Jarmanka ee Olaf Scholz ayaa sidoo kale u hambalyeeyay Madaxwayne Erdogan.
Waxaa madaxda caalamiga ah ee ay xustay Wakaaladda Wararka Turkiga ee AA ka mid ah MW DF Somalia, Xasan Sheekh Maxamuudiyo RW Xamse Cabdi Barre.
“Hambalyo walaaltinnimo iyo mid saaxiibtinimo ayaan u dirayaa Türkiye,” ayaa lagu soo qoray Twitter-ka Xafiiska Madaxwaynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
“Waxaan hambalyo kal iyo laab ah u dirayaa walaalkay, Madaxwayne @RTERdogan, dib u doorashadiisa guusha leh!” ayuu yiri Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya. “Tani waxay muujinaysaa kalsoonida iyo taageerada hoggaankiinna. Waxa aanu rajaynaynaa in aanu aragno dabarka xiriirka ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah oo sii kora, qaramadeed ay bullaalaan”.
Hadalsame Media