(Ankara) 29 Maajo 2023 – Madaxwayne Recep Tayyip Erdogan, oo isu muujiya inuu yahay difaacaha qiyamka soo jireenka ah ee Islaamka, ayaa mar kale ku tilmaamay mucaaradka inay wax la wadaan ‘LGBT’, wuxuuna ku adkaystay in fikirka liberaaliga ah ee reer Galbeedku aanu weligii ku dhex milmi doonin xisbigiisa talada haya iyo xulafadiisa wadaniga ah.
Golaha Sare ee Doorashada Turkiga ayaa xaqiijiyey guusha muhimka ah ee Madaxwayne Recep Tayyip Erdogan uu ka helay ninkii la hardamayey ee Kemal Kilicdaroglu fiidnimadii Axadda.
Doorashadii kahor, Erdogan wuxuu ku celceliyey inuu Kilicdaroglu iyo xulafadiisa ku eedeeyay inay taageersan yihiin LGBT, wuxuuna eedaymo la mid ah ku sheegay khudbaddii guusha ee uu ka jeediyey dadwayne fara badan oo ku sugnaa Istanbul.
Isaga oo taxaya garabyada isbahaysiga lixda xisbi ee Isbahaysiga Qaranka ee ay xafiiltamaan, iyo xisbi siyaasadeed oo taageersan Kurdiyiinta, waxa uu taageerayaashiisa waydiiyey haddii ay ogolaadeen in CHP, HDP, IYI, iyo “qaar yar oo iyaga ku xiga” ay dhamaantood yihiin “LGBT,” taasoo keentay inay taageerayaashu xamaasad la qayliyeen.
”Laakin LGBT masoo geli karaan xisbiga AK? Ma geli karaan MHP? Masoo dhex geli karaan xubnaha kale ee Isbahaysiga Shacabka? Erdogan ayaa waydiiyey – isagoo ku dhawaaqay in isbahaysigiisa talada haya iyo xulafadiisu ay mar walba u taagnaan doonaan difaaca qiyamka soo jireenka ah ee Turkiga.
“Doorasho kastaa waxay inoo tahay dib-u-dhalasho. Qoysku waa inoo muqadas. Qofna waxba kama sheegi karo wax ka dhan ah qoyska.” ayuu yiri.
Kilicdaroglu laftiisu ma aha taageere cad oou istaaga xuquuqda khaniisiinta ah, laakiin wuxuu ballanqaaday inuu dib u soo celin doono wax la yiraahdo Axdigii Istanbul haddii la doorto.
Waxaa saxiixay 45 wadan oo lagu daray EU sanadkii 2011-kii, heshiisku wuxuu ujeedkiisu ahaa in la xoojiyo ciqaabta sharciga ah ee tacadiyada ka dhanka ah haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay, balse Türkiye ayaa ka baxay 2021-kii, iyagoo sheegay inay “afduubeen koox isku dayaysa u doodista dadka isku jinsiga ah.”
Hadalsame Media