(Stockholm) 29 Maajo 2023 – Waxa loo baahan yahay in lagu baaso imtixaannada afka iswiidhishka iyo cilmiga bulshada si loo helo sharciga degenaanshaha rasmiga ah laga bilaabo 2027. Arrintan waxaa lagu soo jeediyay baadhitaan maanta loo gudbiyay xukuumadda.
Dalal kale oo Yurub ah ayaa hore u soo saarey shuruudo la mid ah kuwan iyo imtixaan lagu qaato sharciga deggenaanshaha rasmiga ah.
“Waa muhiim in la fahmo xuquuqda iyo waajibaadka uu qofku ku leeyahay bulshada iyo inuu isku fillaado”, ayay tidhi wasiiradda socdaalka Maria Malmer Stenergard (M), oo soo dhaweysay soo jeedintan.
Hadalsame Media