Dadka Kenyan-ka ah oo si uun ugu digtey ciidanka Uganda uga dhintay Somalia + Sababta fal-celintooda ka dambaysa? (Arag jawaabaha)

0

(Nairobi) 29 Maajo 2023 – Madaxwaynaha Dowladda Uganda, Yoweri Museveni, ayaa shalay markii ugu horreeysey si caro leh uga hadlay weerarkii Jimcihii lasoo dhaafay ay kooxda Al-Shabaabku ku qaadeen xero ka tirsan kuwa loo yaqaan Furun-horaadka oo ku taalla magaalada Buulo-Mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo ay khasaare culusi kasoo gaartey Ciidanka ATMIS.

“Qaar ka mid ah askartii halkaas sugnayd ayaan soo bandhigin waxqabadkii laga filayey, argagax ayayna muujiyeen, taas oo keentay inay Al-Shabaabku ka faa’iidaystaan,” ayaa lagu sheegay qoraalka Madaxwaynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni.

”Waa dembi in halkaa la geeyo askar ”abuu Tiyaatar ah” kuwaasoo aan ama ku habboonayn ama khibraddeeda lahayn oo aan u diyaarsanayn howlgalkan.” ayuu raaciyey qoraalka oo lagu sheegay canaan kulul oo ah in “Howlgallada Soomaaliya iyo masraxada kale ay yihiin howlgallo dagaal ee aanay ahayb howlo daryeel oo aad ka heli karto gunnooyinka QM”.

Yeelkeede, dadka Kenyan-ka ah oo warkan kala socdey warbaahinta maxalliga ah ayaa 2 jawaabood inta badan lasoo deg degey.

Midi waa in wiilkiisa Muhoozi uu beri dhowayd ku kaftamay inaysan Ciidanka Uganda 2 todobaad ku qaadanaynin inay qabsadaan Kenya, iyagoo leh “aaway xooggii faraha badnaa maad malliishiyada Shabaab iskaga celisaan?”

Midna waa inay MW Uganda ku dhaliileen inuu canaan dusha uga tuuray ciidankiisa iyo ciddii soo xushay taasoo qarisay inuu uga tacsiyeeyo qoysaskii ay ka dhinteen.

Wiilka uu dhalay Madaxwaynaha Uganda ee Muhoozi Museveni ayaa Oktoobar sanadkii tegey bartiisa Twitter-ka ku qoray hadal uu ku kaftamayey [inkastoo ay su’aal ka taagan tahay] in Uganda ay si sahlan duullaan ugu qaadi karto Kenya kuna qabsan karto, isagoo dadka waydiiyey meeshii uu degi lahaa, haddii ay taasi dhacdo. Halkan ka aqri…

Hadalsame Media