”Waa qar iska xoornimo” – Isbahaysiga Raila Odinga oo ku baaqay in Kenya laba loo kala gooyo & Aadan Ducaale oo furka ku xooray

0

(Gaarisa) 27 Maajo 2023 – Wasiirka Gaashaandhiga Kenya, Aden Duale, ayaa biyo qabow ku shubay baaqa hoggaamiyaha mucaaradka ee Raila Odinga ee ah inuu dalka Kenya kala go’ayo.

CS Ducaale ayaa u sheegay Mr. Odinga iyo saaxiibkiis isna ka socda Isbahaysiga Azimio la Umoja One ee Kalonzo Musyoka uu arrintan kala hadlay mar ay kulan ku yeesheen magaalada Yatta ee ismaamulka Machakos Jimcihii.

Hogaamiyayaasha Azimio ayaa sheegay inay ku baaqi doonaan in dalka labo qaybood loo qaybiyo oo deetana si kala gaar ah loo maamulo.

Isagoo ka hadlayey intii lagu guda jiray furitaanka degmada Masalani ee ismaamulka Garissa Sabtidii maanta, CS Ducaale ayaa warakan ku tilmaamay kuwo aan ka fiirsi lahayn oo caajis ah.

“Waxaan rabaa in aan u sheego Raila iyo Kalonzo, inaad u soo baxdeen doorashooyinkii aad ku haminayseen inaad noqotaan Madaxwaynaha soo socda ee Jamhuuriyadda Kenya,” ayuu ku bilaabay.

”Waxaa mas’uuliyad darro iyo ka fiirsasho la’aan ah in madaxda heerka aad joogtaan ihi ay madal soo istaagaan oo ay ku baaqaan kala go’a iyo kala qaybinta dalkeenna. Waa nasiib darro aad u wayn; Uma malaynayn inaad sidaas u hooseeysaan.” ayuu raaciyey Ducaale.

Halkan kasii aqri….

Hadalsame Media