KASHIFAAD: Microsoft oo ogaatey in Shiinuhu uu muddo 2 sano ah Maraykanka ku hayo BASAASIDDII abid ugu waynayd (Halka diiradda la saaray)

0

(Hadalsame) 26 Maajo 2023 – Koox tuugo-danabeed Shiinees ah oo ay dowladdu maalgalisry ayaa howlgal casri ah oo dabagal casri ah ku haya hantida kaabayaasha dhaqaalaha ee Maraykanka, sida shirkadda teknoolajiyadda ee Microsoft ay Arbacadii sheegtay, iyada oo ka digaysa in dhaqamo tan la mid ahi ay ka dhici karaan meelo kale oo adduunka ah.

Bayaan ay soo saartay, Microsoft waxay ku sheegtay in kooxdan – oo loogu magac daray ‘Volt Typhoon’ – ay isha la raacayeen hay’adaha kaabayaasha dhaqaalaha Maraykanka, kuwaasoo ay ku jiraan isgaarsiinta iyo waaxaha gaadiidka, tan iyo bartamihii 2021-kii.

Waxa ay sidoo kale, shirkadda tignoolajiyaddu sheegtay, in Beijing ay samaysay howlgallo lagu basaasayo xarumaha Maraykanka ee gasiiradda Guam, halkaas oo ay yaallaan agabka muhimka ah ee millateriga Maraykanku gaar ahaan dhanla Badwaynta Baasifigga.

Microsoft waxay kaloo xustay in “kahortagga weerarkani uu noqon karo caqabad” iyo in Beijing ay samaynayso dadaallo lagu dhimayo awoodaha ay Washington u leedahay inay la xiriirto “ologga gobolka.”

Shirkadda teknolojiyadda ayaa sidoo kale sheegtay inay ku qiimeysay “in ololaha Volt Typhoon”uu ku raad-joogo horumarinta awoodo carqaladayn kara kaabayaasha isgaarsiinta muhimka ah ee u dhexeeya Maraykanka iyo xulufada gobolka Aasiya inta lagu jiro xiisadaha dhici kara mustaqbalka.”

Microsoft waxa ay intaa ku dartay inay aaminsan tahay in ololaha Volt Typhoon lagu beegsanayo qaybo badan oo ka mid ah kaabayaasha dhaqaalaha ee Maraykanka, oo ay ku jiraan isgaarsiinta, wax soo saarka, tamarta, gaadiidka, dhismaha, badda, xarumaha dowladda, tignoolajiyadda macluumaadka (IT) iyo waxbarashada.

Maraykanka ayaa Shiinaha u arka halista istaraatijiga ah ee ugu wayn ee ay wajahayaan Qarnigan 21-aad.

Hadalsame Media