”Waa ninka aan isku dayo inaan wax ka barto” – Guardiola oo sharraxay macallin uu aad uga dambeeyo

0

(Muqdisho) 23 Maajo 2023 – Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa si wayn u amaanay macallin ku cusub Horyaalka Ingiriiska balse sanadkan wacdaro wayn dhigay.

Waa dhiggiisa kooxda Brighton ee Roberto de Zerbi, kaasoo ay aadayso kooxdiisu habeenka Arbacada ee soo aaddan.

Guardiola ayaa yiri: “Waxaan ugu hambalyAynayaa Brighton guusha cajiibka ah ee ay gaareen si ay u galaan BOOSASKA Europa League.

“Fiiro gaar ah u yeelo waxa aan sheegi doono sababtoo ah si fiican ayaan ugu qanacsanahay inaan saxan ahay – Roberto de Zerbi waa mid ka mid ah macallimiinta ugu saamaynta badan 20-kii sano ee la soo dhaafay.

“Ma jirto koox u ciyaarta qaabka ay u ciyaaraan – waa mid naadir ah, waxaan lahaa dareenka markii uu yimid Premier League in saamayntiisu ay noqon doonto mid wayn laakiin ma filan karayn inuu taa ku samayn doono waqti yar gudihii,” ayuu raaciyey.

“Waxa uu abuuraa 20-25 fursad celcelis ahaan kulankiiba, aad ayuu uga fiican yahay dhamaan kooxaha ka soo horjeeda, waxa uu kaligiis u maamulaa kubada si aanan arkin waqti dheer oo dheer”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Qof kastaa wuu ku lug leeyahay ciyaarta – goolhayuhu waxa uu la mid yahay ciyaaryahan khadka dhexe ah. Haddii aadan haafkooda ku cadaadin De Zerbi sida uu doono ayuu ka yeelanayaa koox kasta,” ayuu ku dooday.

“Waa mid ka mid ah kooxaha aan isku dayo inaan wax badan ka barto.” ayuu kusoo afjaray.

Hadalsame Media