(Hargaysa) 23 Maajo 2023 – Bishaaro Baandhe ayaa beryahan u xirnayd nidaamka Somaliland oo la sheegay inay qabteen iyada oo kasoo socota dhinaca Jig Jiga.
Bishaaro ayaa ka mid ahayd dhowr weriye oo aad u dhaliilayey Maamulka Somaliland oo 1991-kii ku dhawaaqay inuu ka goostay dalka Somalia, balse aan weli helin wax aqoonsi ah.
Si kastaba, masuuliyiin ka socotey Safaaradda Dowladda Ingiriiska ee Itoobiya, ayaa maanta Saldhigga Dhexe ee Hargaysa ku booqday Weriye Bushaaro Baandhe, oo maalmihii u dambeeyey halkaa ku xirnayd, sida ay sheegtay saxaafadda maxalliga ihi.
Diblamaasiyiintan ayaa la sheegay inay si gaar ah ula kulmeen Bishaaro, iyaga ka waraystay xaaladdeeda iyo xarigeeda. Lama oga inay waydiiyeen iyo inay dhab yihiin warar la isla dhexmarayey oo sheegayey in la jirdiley.
Sidoo kale, waxa la filayaa in berri uu u yimaado Danjiraha UK ee Soomaaliya oo saldhigta caasimadda Muqdisho, si uu uga war helo xaaladda ay ku sugan tahay maadaama oo ay tahay mu’waadin haysta dhalashada Ingiriiska.
Hadalsame Media