WhatsApp oo soo kordhiyey adeeg ay dadku aad ugu baahnaayeen (Noociisa & Sida aad u isticmaalayso)

0

(Hadalsame) 22 Maajo 2023 – Isticmaalayaasha WhatsApp ayaa muddo dheer sugayey habka tifaftirka farriinta waxayna u muuqataa in sugitaankaasi uu ugu dambayntii soo afjarmayo. Abka farriin-walaha ah ee caanka ah ayaa soo saaray muuqaal muujinaya in dhowaan adeeggaa loo heli doono si baaxad leh.

In kasta oo ay shaqaalaha Beta ay muddaba ku raaxaysanayeen adeeggan leh habka tifaftirka in muddo ah hadda, weli dadka caadiga ihi ma haysan xuquuqdaasi.

WhatsApp Edit Button

Dhowr sano ayaa laga joogaa markii isticmaalayaashu ay waydiisteen muuqaalkan. Waxaana la yaab leh inay qaadatay waqti dheer in WhatsApp ay ugu dambayntii bilowdo adeeggaasi.

Qaabka tifaftirka ayaa dhowaan uun laga hirgeliyey nooca Beta ee app-kan. Kaliya tiro yar oo tijaabiyeyaal ah ayaana heli karey. Si kastaba ha ahaatee, warka wanaagsan ayaa ah in qaabka tifftirku uu dhowaan diyaar u noqon doono inay helaan dhammaan isticmaalayaashu.

In kasta oo fiidiyowga teaser-ka ah ee ay sii daysey WhatsApp aanu bixinayn macluumaad badan oo ku saabsan taariikhda saxda ah ee la bilaabayo, waxay xaqiijinaysaa in dhowaan uu bilaabmi doono.

Waxa kaliya ee aad u baahan tahay inaad samayso waa inaad farta ku qabato oo ku cadaadiso farriinta kaddib aad ka doorato ikhtiyaarka “edit” ee liiska hoos usoo dhacaya ee drop-down menu.

Hadalsame Media