(Riyaad) 21 Maajo 2023 – Xarunta Gargaarka Bani’aadminnimada iyo Gargaarka ee Boqor Salmaan ayaa heshiis iskaashi la saxiixatay Ergada Gobolka ee Ururka Iskaashiga Islaamka ee fadhigiisu yahay Soomaaliya si ay taageero ugu fidiyaan Waaxda Gurmadka iyo Samatabixinta Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, waxaana ka faa’iidaysanaya 821,250 qof.
Heshiiska oo uu ku saxiixay xarunta dhexe ee KSrelief ee magaalada Riyaad Kaaliyaha Kormeeraha Guud ee dhanka Howlgallada iyo Barnaamijyada Ahmed bin Ali Al-Baiz ayaa ujeedadiisu tahay sidii taageero loogu fidin lahaa waaxyaha gargaarka deg degga ah ee isbitaallada ay Dowladda Federaalku maamusho ee Soomaaliya.
Heshiiska kaddib, 15 Ambalaas oo ah kuwa ugu casrisan ayaa la siin doonaa Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya.
Mashruucan waxaa sidoo kale ujeedadiisu tahay in la dedejiyo awoodda ay DF u leedahay wax-ka-qabashada iyo awoodda lagu samata-bixin karo kumanaan dad ah haddii ay dhibaato dhacdo, iyo sidoo kale horumarinta waxqabadka guud ee waaxda caafimaadka ee ay maamusho Dowladda Soomaaliya.
Heshiisku waa qayb ka mid ah taageerada uu fidiyo garabka gargaarka Boqortooyada, KSrelief, si kor loogu qaado waaxaha caafimaadka ee waddamada u baahan ee adduunka oo dhan.
Hadalsame Media