Ruushka oo diyaarado badan oo dagaal ku wareejiyey dal Afrikaan ah oo uu Maraykanku go’doomiyey

0

(Harare) 21 Maajo 2023 – Raxan ka kooban 18 helikobter oo Ruush ah oo ah nooca Ansat ah ayaa la geeyey dalka Zimbabwe toddobaadkan si ay howlohooda uga caawiyaan booliiska iyo gurmadka musiibooyinka.

Madaxwayne Emmerson Mnangagwa iyo Safiirka Ruushka ee dalkaasi, Nikolay Krasilnikov, oo ka hadlay munaasabadda wareejinta ee ka dhacday magaalada caasimadda ah ee Harare ayaa sheegay in dowladaha cunaqabataynta saaran tahay ay tahay inay wada shaqeeyaan.

Waxaa dayuuradahan dhisay Kazan Helicopters, 12 ka mid ah oo ah nooca Ansat ayaa loo isticmaali doonaa maaraynta musiibada, halka lix ay isticmaali doonaan hay’adda sharci fulinta ee Booliiska.

Marka la gaaro sanadka 2025, raxanta diyaaradaha dalka dalkaasi ayaa waxaa la filayaa inay koraan oo gaaraan ku dhowaad saddex darsin.

“Waxay naga dhigaysaa inaan ku faanno in xaaladda juqraafiyeed ee hadda jirta, Ruushka iyo Zimbabwe ay yihiin saaxiibo cimilo kasta isku dhaarta,” ayuu Krasilnikov ka sheegay xafladdii wareejinta.

“Hadafka ugu dambeeya ee dawladeenna iyo ganacsiyadayadu waa inaan ka dhigno nolosha dadkeenna mid raaxo leh, badbaado leh, oo ammaan ah.” ayuu raaciyey.

Zimbabwe waxaa horraantii 2000-aad cunaqabatayn kusoo rogey Maraykanka iyo Midowga Yurub. Mnangagwa iyo madaxwaynihii ka horreeyey, Robert Mugabe, ayaa labadaba shakhsi ahaan lagu daray liiska madow, Maraykankuna waxa uu weli ku adkaysanayaa mamnuucidda ka iibinta ama bixinta inta badan agabka difaaca iyo teknoolajiyadda ee Zimbabwe.

Hadalsame Media