(New York) 21 Maajo 2023 – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa ugu baaqay wadamada G7 inay ka fogaadaan inay dunida u kala qaybiyaan kooxihii dagaalka qaboobaa ee la kala safnaa Maraykanka ama Shiinaha midkood.
Hoggaamiyeyaasha reer Galbeedka ayaa se dhanka kale Ruushka iyo Shiinaha ka dhigay kuwo diiradda lagu saarayo bayaan wadajir ah oo ku saabsan hubka Nukliyeerka.
Isagoo la hadlayey Kyodo News oo laga leeyahay Japan xilli ay hoggaamiyeyaasha Canada, France, Germany, Italy, Japan, UK, iyo Maraykanku ay ku kulmeen Hiroshima Sabtigii, Guterres wuxuu ku baaqay “wadahadal firfircoon iyo iskaashi” dhexmara wadamada G7 iyo Shiinaha gaar ahaan arrimaha cimilada isbedelaysa iyo horumarka.
“Waxaan aaminsan ahay inay aad muhiim u tahay in laga fogaado adduunka oo laba loo qaybiyo, aad bayna muhiim u tahay in la abuuro buundooyin lagu sameeyo gorgortan dhab ah,” ayuu yiri.
Guterres ayaa si isdaba joog ah uga digayey dagaal qabow oo u dhexeeya wadamada reer Galbeedka iyo Shiinaha sanadihii ugu dambeeyey, isaga oo ku tilmaamay kala duwanaanshaha dhaqaalaha, siyaasada iyo danaha millateri ee labada dhinac “jab wayn” sanadkii 2019-kii.
Xiriirka u dhexeeya Beijing iyo Washington ayaa si gaar ah u xumaaday sannadkii hore, iyadoo Shiinuhu uu jaray wada-shaqayntii Maraykanka ee arrimaha cimilada, taasoo jawaab u ahayd booqashadii Afhayeenkii Aqalka Wakiillada ee xilligaas Nancy Pelosi ay ku tagtay Taiwan bishii Agoosto.
Sidoo kale, Madaxwaynaha Maraykanka ee Joe Biden oo ku hanjabay tillaabo millateri haddii ay Beijing ay u dhaqaaqdo inay dib ula wareegto gacan ku haynta jasiiradda Taiwan.
Hadalsame Media