MW Xasan Sheekh oo ka dhawaajiyey fursad ”naadir ah” oo ay Qadar usoo bandhigtay dalka Somalia (Waa maxay?)

0

(Hadalsame) 21 Maajo 2023 – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa daboolka ka qaaday in Qadar ay ku yaboohday inay xuddun u noqoto dhoofinta badeecooyinka Soomaaliya, iyadoo dalka Bariga Afrika uu ka socdo safar dib u dhis ah iyo kobac dhaqaale kaddib tobanaankii sano ee lasoo dhaafay oo ay ka oognaayeen dhibaatooyin ay sababeen argagixiso iyo dagaallada sokeeye.

Intii lagu guda jirey xaflad quraac ganacsi ah oo ay soo qaban qaabisay KON Group taasoo qayb ka ahayd booqashadiisa Qadar, MW Maxamuud ayaa ku dheeraaday xiriirka qotada dheer ee Qadar iyo Soomaaliya, isagoo sheegay in dalkiisu uu u furan yahay maalgashi ay sameeyaan ganacsatada Qadar, sida lagu qoray The Peninsula oo kasoo baxa dalkaasi.

Wuxuu u mahadceliyay Amiirka Qadar, Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, iyo taageero uu sheegay inuu la garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed.“

”Qadar waa mid ka mid ah saaxiibadayeenna istiraatijiyadeed, waxaana Qadar la leenahay xiriir badan oo ay ka mid tahay heer uu Amiirka Qadar istaago oo uu yiraahdo “Anigu waxaan u qarreemi doonaa Soomaaliya.” Tani waa hadiyad naadir ah oo ay heli karaan shacabka Soomaaliya,” ayuu yiri Maxamuud.

“Soomaaliya waxay u adeegsanaysaa saamaynta caalamiga ah ee Qadar si ay Soomaaliya ugusoo bandhigto caalamka intiisa kale. Qadar waxay noo soo bandhigtay kaalmo si loo  dhiso kaabayaasha dhaqaale ee Soomaaliya,” ayuu yiri.

”Qadar waxa ay xudun u noqon doontaa wax dhoofinta Soomaaliya dhinacyo badan, taas oo sahlaysa in Soomaaliya ay hesho galaangal ganacsi oo caalami ah.” ayuu yiri hoggaamiyaha Soomaaliya.

Hadalsame Media