Kenya oo 14 saldhig oo si buuxda u qalabaysan ka dhisatay ”xadka” ay la leedahay Somalia + Ujeedka

0

(Nairobi) 21 Maajo 2023 – Kenya ayaa 14 saldhig oo si buuxda u qalabaysan ka dhisatay ”xadka” Kenya iyo Soomaaliya, taasoo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo ammaanka aaggaas.

Tani waxay ka horreeysaa qorshaha dhimista ciidamada Kenya ee Soomaaliya, sida uu sheegay Wasiirka Gaashaandhigga Kenya, Aadan Ducaale.

“Waxaa si buuxda nooga go’an in marka dhammaadka Howlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) uu yimaado, inaan dal ahaan amniga suganno, annagoo hubinayna in marka al-Shabaab ay dareemaan kulaylka Ciidamada Ammaanka ee Soomaaliya aysan kusoo dhuuman Kenya.”

“Ciidamadeenu waxay si muuqata ugu sugan yihiin xuduudka si ay u hubiyaan in Kenyan-ku ammaan yihiin,” ayuu raaciyey Ducaale.

Ciidamada Kenya ayaa u jooga Soomaaliya si ay u baacsadaan oo ay u xakameeyaan dhaq dhaqaaqyada kooxda argagixisada ah ee Shabaab, sida lagu qoray The Star oo Kenya saldhigata.

Madaxweyne William Ruto ayaa waraysi hore ku sheegay in dhimistu ay bilaaban doonto sanadka 2024-ka si Soomaaliya loogu ogolaado inay iyadu is xasiliso.

Hadalsame Media