Musharrixii kaalinta 3-aad galay oo ka hadlay cidda uu taageerayo doorashada isku celinta ah ee Turkiga + Shuruuddiisa oo halis ku ah Soomaalida

0

(Ankara) 18 Maajo 2023 –  Sinan Oğan, oo ah musharrax yar oo u tartamayey Madaxwaynaha Turkiga balse lala yaabay wax qabadkiisii ​​doorashadii dalkaasi ka dhacday Axaddii, ayaa raadinaya dammaanad adag si uu u taageero musharraxa doorashada wareegga labaad ee soo socota.

“Waxaan wadannaa shuruudo horudhac ah,” Oğan ayaa sidaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee Jarmanka (DPA) isaga oo ku sugan xafiiskiisa Ankara, wuxuu sheegay inuu doonayo la dagaallanka argagixisanimada iyo celinta qaxootiga Suuriya iyo qaxootiga kale oo ay Soomaalidu ku jirto.

Waxa uu sheegay in ilaalinta dastuurka si loo hubiyo in mabaadi’da cilmaaniga ah ee Turkiye ay sidoo kale lagama maarmaan u tahay helitaanka taageerada Isbahaysigiisa ATA – oo loogu magac daray aasaasihii jamhuuriyadda Turkiga ee Mustafa Kemal Atatürk.

Oğan waxa uu sidoo kale sheegay inuu waydiisan doono cid kasta oo uu ogolaado inuu wax la saxiixdo inuu dadwaynaha la wadaago tafaasiisha heshiiska “si hufan oo daah-furan.”

Madaxwaynaha hadda talada haya ee Recep Tayyip Erdoğan ayaa ku gacan sarreeyey codadkii la dhiibtay Axaddii, isagoo helay 49.51% codadkii la dhiibtay. Xisbigiisa Cadaaladda iyo Horumarka (AK Party) ayaa sidoo kale kuraas badan ka helay codbixintii baarlamaanka ee isku mar dhacday.

Kemal Kılıçdaroğlu oo la tartamayey Erdogan ayaa helay 44.88% wuxuuna u baahan doonaa taageerada Oğan marka la gaaro wareegga labaad ee kala baxa ah, haddii uu rajaynayo inuu gaaro in ka badan 50% si uu u noqdo madaxwaynaha xiga.

Oğan ayaa sheegay in labada dhinacba ay u hambalyeeyeen, balse uusan weli billaabin wada xaajoodyo dhab ah, taasoo ay ku jirto jagada uu ka heli karo dowladda cusub.

Waxa uu rajaynayaa in uu gaaeo go’aanka kama dambaysta ah horraanta usbuuc dhamaadkan soo socda sida Sabtiga ama Axadda “si uu uga fogaado hubanti la’aan.”

Hadalsame Media