(Manchester) 17 Maajo 2023 – Maalqabeenka Qadar u dhashay ee doonaya inuu iibsado Manchester United ayaa sameeyey yabooh kama dambayn ah oo ku dhisan hannaanka ‘qaado ama ka tag’.
Mail Sport waxa ay fahansan tahay in, taddawurkan dhulgariirka ah, Sheikh Jassim Bin Hamad Al Thani uu ku gudbiyey dalab kama dambays ah, kaasoo ka sarreeya midka Sir Jim Ratcliffe si uu tartanka ninkan meesha uga saaro, isagoo doonaya inuu soo gabagabeeyo heshiis uu si buuxda ugula wareegayo lahaanshaha kooxdan Premier League.
Waxa hore u jirey saddex wareeg oo tartan ah oo uu mid walba lahaa waqti kama dambays ah oo dalabyada lagu soo gudbinayey.
Waxay u muuqatey in ninka ka xoolaystay kiimikooyinka batroolka Ingiriiska ee bilyaneer Ratcliffe oo dalabkiisu aanu ahayn inuu boqolkiiba 100 wada iibsado saamiga kooxdu, uu saasoo ay tahay ka qiime sarreeyey guruubka Qadariga ah.
Ratcliffe ayaa waxa uu siiyay gudoomiyeyaasha fulinta ee Joel iyo Avram Glazer fursad ay kusii joogaan maamulka kooxda laba ama afar sano kahor inta aysan ugu dambayntii iska bixin.
Rajadaasi waxaa dhanka walaalahan looga arkay mid soo jiidasho leh, kuwaas oo loo maleynayo inay doonayaan inay saami yar kusii yeeshaan kooxda Old Trafford kahor inta aysan ugu dambayntii saamigaa kusii iibin lacag caddaan ah.
Hadalsame Media