Taageerayaasha PSG oo ku orriyey Messi kaddib tilaabadii ay ka qaadday kooxdiisu

0

(Paris) 16 Maajo 2023 – Lionel Messi waxaa ku orriyey taageerayaasha PSG markii uu soo laabtay ciyaartii Sabtigii.

35 jirkaan ayaa ku soo laabtay safka koowaad XI guushii ay 5-0 direen Ajaccio kaddib markii la ganaaxay labadii todobaad ee ugu dambeeyey.

PSG ayaa qaaday tallaabo ka dhan ah jookarkii Barcelona kaddib markii uu u safray Saudi Arabia fasax la’aan.

Taageerayaasha PSG ayaa qaylo iyo foori ku bartilmaameedsanayey Messi mar kasta oo uu kubbada taabto intii lagu jirey guushii 5-0 ahayd.

Kabtanka Argentina ayaa qandaraaskiisu dhacayaa dhamaadka bisha soo socota, waxaana la sheegay inuu durba kooxdiisan ku wargeliyey inuu ka tegayo dhamaadka fasalkan.

Hadalsame Media