”Kuwaas idinma siin karno laakiin qaata taangiyo fudud” – Faransiiska oo jac xun ku dhejiyey MW Ukraine (Hubka loo diidey?)

0

(Paris) 15 Maajo 2023 – Dowladda Faransiiska ayaa aaminsan in ay yara deg deg tahay in lagala hadlo sidii diyaarado dagaal loo gayn lahaa dalka Ukraine, sida ay qortay Politico. Madaxwayne Emmanuel Macron ayaase ballanqaaday in uu Kiev siin doono daraasiin baabuur ah oo gaashaaman intii lagu jirey kulan uu la yeeshay dhiggiisa Ukraine Vladimir Zelensky.

Maqaal la daabacay Axaddii, Politico ayaa soo xigtey sarkaal is qarinaya oo ka socda xafiiska Macron isagoo leh “waxa ay Ukraine u baahan tahay waa qalabka dagaalka, baabuurta gaashaaman, taangiyada, madaafiicda.” Intaa waxaa dheer, Paris waxay u hoggaansami doontaa baaqyada Kiev si ay u siiso habab badan oo difaaca hawada ah, ayay ishani sheegtay.

Mar la waydiiyey in Faransiisku uu ka fikirayo inuu diyaarado dagaal siiyo Ukraine, sarkaalku waxa uu meesha ka saaray arrintan oo uu ku tilmaamay “wax yara deg deg ah,” isaga oo ku nuuxnuuxsaday in hadda diiradda la saaro howlgallada dhulka iyo difaaca hawada.

Madaxwayne Zelensky ayaa goor dambe oo Axaddii shalay ah booqasho lama filaan ah ku tegay caasimadda Faransiiska, isagoo horay ula kulmay Sabtigii Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga ee Giorgia Meloni iyo Ra’iisul Wasaaraha Jarmanka ee Olaf Scholz.

Saddex saacadood oo casho ah kaddib, Macron iyo hoggaamiyaha Ukraine ayaa soo saaray bayaan wadajir ah oo si faahfaahsan u qeexaya qorshayaasha Paris ee ah “tababarida iyo qalabaynta guutooyin dhowr ah oo wata tobannaan baabuurta gaashaaman iyo taangiyada fudud ah, kuwaasoo ay ku jiraan AMX-10RCs [baabuurta dagaalka].”

Hadalsame Media