(Hadalsame) 15 Maajo 2023 – Kooxda Barca ayaa hanatay horyaalkeedii 27-aad kaddib markii ay 4-2 gurigeeda uga badiyeen kooxda ay xafiiltamaan ee Espanyol.
Yeelkeede, xilli ay laacibiintu u dabbaaldegayaan guushooda oo ay joogaan bartamaha garoonka ayaa waxaa kusoo ood goostay taageerayaasha Espanyol.
Waxaa markiiba cagaha wax ka dayey laacibiinta Barca oo ay farxadoodii mar qura kala firxad ku dhamaatay.
Waxaa xitaa la arkayey taageerayaasha oo wax ku dhufanaya laacibiinta qaarkood, sida laacibka khadka dhexe ee Sergio Busquets oo booliiska arrinta gaarsiiyey, sida uu sheegayo ESPN.
Arrintan ayas keeni karta in ganaax culus la dul dhigo kooxda Espanyol iyo taageerayaasheeda.
Hadalsame Media