XOG: Doorashada Turkiga oo u baahan karta wareeg 2-aad oo isku celis ah + Sababta & Goorta la qabanayo

0

(Hadalsame) 14 Maajo 2023 – Farqiga u dhexeeya labada musharrax ee hoggaanka u haya doorashada Turkiga ayaa sii yaraanaya iyadoo codad badan oo ka yimid magaalooyinka waawayn – kuwaasoo u xaglinaya murashaxa mucaaradka ee Kemal Kılıçdaroğlu – ay soo galeen, laakiin wakaaladaha wararka Turkiga ayaa weli soo sheegaya tirooyin kala duwan.

Waxay se heshiis ku yihiin hal shay, si kastaba ha ahaatee:  waa in hadda oo la tiriyey in ka badan 90% ay u egtahay inaan laga fursan doonin doorasho isku celin ah.

Wakaaladda Wararka ee Anadolu, ayaa ku warramaysa in Madaxwayne Recep Tayyip Erdoğan uu ilaa haatan helay 49.8% – taasoo ka hooseeysa 50% si looga fogaado in wareeg labaad la qabto – iyo Kılıçdaroğlu oo helay 44.4%.

Wakaaladda sida gaarka ah loo leeyahay ee Anka ayaa iyana ku warramaysa in 94% codadka ilaa hadda la tiriyey. Erdogan ayaa helay 49.02% halka Kemal Kılıçdaroğlu uu helay 45.2%.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, sida ay hadda wax yihiin, doorashada madaxtooyadu waxay u qaab eg tahay in wareeg labaad la qaban doono 28-ka Maajo.

Hadalsame Media