“Xitaa taageerayaashii mucaaradku waxay dooranayaan Erdogan” – Arrin yaab leh oo lagu arkay warqadihii lagu codeeyey (Arag)

0

(Istanbul) 14 Maajo 2023 – Waxaa si habsami leh u socota doorashada Turkiga oo sanadkan aad u adag kaddib midowga xisbiyada mucaaradka.

Waxaana soconaya codayntii dadwaynaha iyadoo uu haatan codeeyey MW xilka haya ee Rejeb Dayyib Erdogan oo ay da’diisu tahay 69-jir. Weli se natiijo soo bixi karto.

Yeelkeede, weriyaha lagu magacaabo Ibrahim Karagul ayaa Twitter-ka kusoo qoray arrin yaab leh oo ay samaynayaan taageerayaasha oo ay xitaa ku jiraan kuwa mucaaradka ah, taasoo ah inay MW ugu codeeyeen Erdogan.

“U janjeersanaan magac guud oo Madaxwayne (Erdogan) ayaa lagu arkayaa warqadda codaynta ee taageere kasta,” ayuu soo qoray Karagul.

“Waxaan filayaa in codbixintu ay muujin doonto sida Golaha Shacabka loo qaybsanayo. Laakiin waxaa laga yaabaa in Madaxwaynuhu uu helo codad yaab leh.” Ayuu raaciyey.

Si kastaba, lama hubo inay wax u wada dhici doonaan sidan, laakiin natiijada ayaa sheegi doonta.

Hadalsame Media