(Istanbul) 14 Maajo 2023 – Madaxwayne Recep Tayyip Erdoğan ayaa saddex isu soo bax kusoo xirey magaalada Istanbul Sabtigii, maalintii ugu dambaysey ee doorashada Axaddan maanta ah, isagoo dhaleeceeyey musharaxa madaxwaynaha ee mucaaradka Kemal Kılıçdaroğlu oo sheegay in Ruushku uu faragelin ku hayo doorashada Turkiga.
Erdoğan ayaa isusoo baxyo ku qabtay degmooyinka Ümraniye, Sancaktepe iyo Beyoğlu ee magaalada Istanbul, isagoo sidoo kale tegey Masjidka Aya Sophia oo ay takbiirtu is qabsatay.
“Mudane Kemal waxa uu awaamiirtiisa ka qaataa argagixsada, waxaan se annagu ka amar qaadanaa Allaaheena iyo qarankeenna, tanina waa farqiga noo dhexeeya” ayuu yiri Edogan oo ka hadlayey banaanbax ka dhacay degmada Ümraniye ee magaalada Istanbul.
Wuxuu warkiisa ula jeedey xisbiga HDP ee taageera PKK oo taageeray Kılıçdaroğlu. HDP waxa ay caan ku tahay inay taageeraan kooxda argagixisada ah ee PKK, sida ay qabto Ankara.
Erdogan ayaa sidoo kale wax lala yaabo ku tilmaamay eedaymaha mucaaradka ee ah inuu Ruushku fidinayo dacaayado ka dhan ah mucaaradka si uu isagu u guulaysto.
Hadalsame Media