TOOS U DAAWO: Natiijooyinkii kordhaca ahaa oo soo baxay & Erdogan oo durba hoggaanka la wareegey – LIVE

0

(Ankara) 14 Maajo 2023 – Waxaa soo baxaya natiijooyinka hordhaca ah ee doroashooyinka Turkiga, waxaana durba horreeya Xisbiga AK Party ee talada dalkaasi haya ee uu ka tirsan yahay MW Erdogan. 6 meelood oo hal meel dadka ilaa haatan codeeyey waa reer Istanbul.

Dhanka musharrixiinta, Madaxwayne Recep Tayyip Erdoğan, oo doonaya in dib loo doorto, ayaa hoggaanka ku haya 53.9%, isagoo aad uga horreeya musharaxiinta mucaaradka ee Kemal Kılıçdaroğlu oo maraya 40.1% iyo Sinan Oğan 5.4%.

Dhanka xisbiyada iyo kuraasida ay ka heleen Baarlamanka waxaa weli aad u horreeya Xisbiga AK Party oo leh 363 kursi boqolleeydana 46.2%, halka CHP oo ku xigaa ay dhaafi la’yihiin 15.7%.

Dhanka isbahaysiyada, waxaa ugu horreeya Isbahaysiga Peaole’s Alliance oo ah midka uu ka tirsan yahay Xisbiga AK ee MW Erdogan ayaa maraya 64.8%, Nations Alliance 23.2%, Labour and Freedom 7.7%, halka ATA Alliance ay leeyihiin 0.8%.

Hadalsame Media