(Istanbul) 14 Maajo 2023 – Waxaa si habsami leh u socota doorashada Turkiga oo sanadkan aad u adag kaddib midowga xisbiyada mucaaradka.
Waxaa haatan codeeyey MW xilka haya ee Rejeb Dayyib Erdogan oo ay da’diisu tahay 69-jir.
XILALKA UU SOO QABTAY: Wuxuu soo noqday Duqa Magaalada Istanbul intii u dhaxaysay 1994 ilaa 1998-kii.
Wuxuu soo noqday Raysal WasaarahaTurkiga sannadihii 2003-dii ilaa 2004-tii.
Wuxuu noqday Madaxwaynaha dalka Turkiga sannadkii 2014-kii ilaa hadda oo uu xafiiska isagu fadhiyo.
10 mar oo uu tartan doorasho isu soo taagay dhammaantood wax uu ka gaarey guulo.
Yeelkeede, wuxuu maanta tarmayaa xilligiisii ugu dambeeyey isagoo codkiisana ka dhiibtey magalaadii uu jaranjarada siyaasadda ka soo koray ee Istanbul.
Hadalsame Media