“Haddii Jihaad la iigu yeeri lahaa, waxa aan jeclaan lahaa in Joe Frazier iga garab dagaallamo!” – Qisadii Kalaay ee feerkii Manila

0

(Hadalsame) 14 Maajo 2023 – “Uma maleynayo in laba nin oo waaweyn ay weligood u dagaallameen sida aniga iyo Joe Frazier aannu u dagaallannay. Hal dagaal ma aha, laakiin saddex jeer. Annagaa ahayn kuwa kaliya ee sidaas sameeyay.

Dhammaan raggii aan feerka kula dagaallamay; Sonny Liston ayaa ugu cabsi badnaa, George Foreman ayaa ahaa kii ugu awoodda badnaa; Floyd Patterson waxa uu ahaa feeryahankii ugu xirfadda badnaa. Laakiin kii ugu qallafsanaa uguna adkaa waxa uu ahaa Joe Frazier.

Waxa uu iga soo saaray wax Allaale wixii aan tabar hayay, dagaalkii ugu adkaa ee aan iskaga hornimidna waxa uu ka dhacay Manila. Dagaalkaas, waxa aan dareemayay inay wax igu dhacayaan. Wax ka duwan wixii aan hore u dareemi jiray kolka aan dagaallamayo.

Ilaah maalintaas waa uu i barakeeyey. Marar badan buu i barakeeyey, dagaalkaas Manila-na waxa uu ahaa mar ka mid ah mararkaas. Dagaalkaas intii tabartay ah waa aan dadaalay, keddibna Ilaah baa intii kale i garab galay.

Waa aan ka xumahay Joe Frazier in uu iga carooday. Waan ka xumahay inaan isaga dhaawacay.

Joe Frazier waa nin wanaagsan. Ma aanan samayn karin waxa aan sameeyay isaga la’aantiis, mana aanu samayn karin waxa uu sameeyay aniga la’aantay. Haddii Jihaad la iigu yeeri lahaa, waxa aan jeclaan lahaa in Joe Frazier uu iga garab dagaallamo”. Ayuu yiri Maxamed Cali Kalaay (AUN).

W; D: Sabriye Muuse

Hadalsame Media