Codayntii oo soo xirantey & Siyaasi tanaasuley oo la sheegay in weli loo codayn karo + Wax kasta oo aad uga baahan tahay doorashada Turkiga

0

(Ankara) 14 Maajo 2023 – Codbixinta doorashada Baarlamanka iyo Madaxtooyada Turkiga ee taariikhiga ah ayaa lasoo xirey 5-tii galabnimo ee waqtiga maxaliga ah (2pm GMT).

In ka badan 64.1 milyan oo qof ayaa loo diwaangeliyey inay codeeyaan, kuwaasoo ay ku jiraan in ka badan 1.76 milyan oo horay codkooda uga dhiibtay dibedda iyo 4.9 milyan oo codbixiyeyaal mar horoow ah.

191,885 oo sanduuq ayaa loo diyaariyey codbixiyayaasha dalkaasi. Codbixiye kastaa waxa uu dhiibtay laba cod oo midna uu u codeeyey Madaxwaynaha iyo kan kale ee xildhibaannada xisbigiisa, kuwaas oo xilka hayn doona muddo shan sano ah.

Codbixiyaasha ayaa kala dooran doona Madaxwayne Recep Tayyip Erdoğan, kaasoo doonaya in dib loo doorto, iyo labada musharrax ee ay ugu horreeyaan musharaxiinta mucaaradka ee Kemal Kılıçdaroğlu iyo Sinan Oğan.

Muharrem Ince, oo ah musharraxa kale ee u tartamaya xilka madaxtinnimada, ayaa isaga haray tartanka horraantii Khamiistii. Si kastaba ha ahaatee, inkastoo uu ka tanaasulay, Golaha Sare ee Doorashada (YSK) – oo ah maamulka doorashada Turkiga – ayaa xaqiijiyey ansaxnimada codadka musharraxa.

In ka badan 30 xisbi siyaasadeed iyo 150 musharrax oo baarlamaanka ka tirsan ayaa ku tartami doona doorashadan. Shan xisbi ayaa ku jira tartanka: Isbahaysiga Dadka, Isbahaysiga Qaranka, Isbahaysiga Awooweyaasha, Isbahaysiga Shaqaalaha iyo Xoriyadda, iyo Isbahaysiga Xoogagga Hantiwadaaga.

Hadalsame Media