Ciidan ka tirsan kuwa ku dagaallamaya Suudaan oo bililiqo u gaystey Safaaradda Somalia

0

(Hadalsame) 14 Maajo 2023 – Waxaa weli holcaya dagaalka Suudaan kaasoo burbur laxaad leh, dhimasho iyo dhaawacba ka gaystey dalkaasi.

Ciidanka Dowladda Suudaan ayaa haatan sheegaya in Ciidamada RSF ee fallaagada ihi ay bililiqaysteen goobo dhowr ah.

Waxaa meelaha ay bililiqaysteen ka mid ah Safaaradda Somalia ee dalkaasi oo haatan aan lagu ogayn wax dad ah oo ku sugnaa.

Sidoo kale lama hubo weli oo ma jirto xaqiijin dhexdhexaad ah oo ku saabsan runnimada hadalkan.

Hadalsame Media