”Waa diideney!” – 5 laacib oo Muslim ah oo shalay diidey inay ku ciyaaraan midabbada QAANSO ROOBAADKA & Magacyadooda (Ashraf Xakiimi oo….)

0

(Paris) 14 Maajo 2023 – Shan ciyaartooy oo Toulouse ka tirsan ayaa lagu soo warramayaa inay iska diideen inay la ciyaaraan Nantes Axaddii iyagoo ka mudaaharaadaya ololaha horyaalka Faransiiska ee Ligue 1 ee la sheegay lagula dagaallamayo nacaybka dadka isku jinsiga ah ee wax iska doona.

Dhammaan kulamadii la ciyaaray horyaalka heerka kowaad ee France todobaadkan ayaa loo qoondeeyay hindisaha ah in lambarrada ku yaalla dhabarka funaanadda ciyaartooyda lagu xardho midabada qaanso roobaadka.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtey La Depeche du Midi, xubno badan oo ka tirsan kooxda Toulouse ayaa u muujiyey diidmadooda ololahan macalninkooda Philippe Montanier waxayna daaha ka qaadeen inaysan doonayn inay ciyaaraan kulankii shalaytoole.

Warbixinta ayaa lagu kashifay in magacyada shanta ciyaaryahan ay kala yihiin; Zakaria Aboukhlal, Moussa Diarra, Fares Chaibi, Logan Costa iyo Said Hamulic, iyadoo Aboukhlal iyo Hamulic ay si cad u diideen inay xirtaan funaanadaha.

Go’aanadooda ayaa la mid ah isla ololihii sanadkii hore markaasoo uu laacibka khadka dhexe ee Everton Idrissa Gana Gueye – oo markaas u ciyaarayey PSG – la sheegay inuu diiday inuu ciyaaro kooxdiisa si uu uga fogaado xirashada calaamadahan qaanso roobaadka.

Yeelkeede, laacibka Muslimka ah ee Ashraf Xakiimi ayaa shalay u safnaa isla PSG isagoo u muuqdey inuusan kala jeclayn wixii uu xirto.

Hadalsame Media