(Madrid) 11 Maajo 2023 – Qoyska Glazers ayaa lagu soo warramayaa inay isla garteen dalabka ay doorbidayaan ee dhanka iibsiga Manchester United, kaddib in ka badan lix bilood markii ugu horreeysay tan iyo goortii kooxda suuqa la dhigay.
Sida laga soo xigtey The Sun, Sir Jim Ratcliffe ayaa qarka u saaran inay Glazers u arkaan inuu yahay midka ay door bidayaan maadaama geeddi-socodka iibku uu qaadayo tillaabo muhim ah oo kooxda looga wareejinayo qoyskan Maraykanka ee naadiga haystey 18 sano.
Kaddib markii ay ku dhawaaqeen intii lagu jirey Koobka Adduunka inay raadinayaan dakhli cusub, ha ahaato maalgelin lagu sameeyo kooxda amaba iib toos ah, mala awaal badan ayaa ku hareeraysan United iyo cidda ay noqonayaan milkiileyaasha xiga.
Muddo bilo ah, waxa ay u muuqatey dagaal u dhexeeya laba musharrax – bilyaneerka Ingiriiska ah ee Ratcliffe iyo Baangaariyihii hore ee Qadar Sheikh Jassim Bin Hamad Al Thani.
Warbixinta ayaa sheegeysa in dalabka Ratcliffe oo ah £5bilyan oo gini uu yahay dookha la doorbidayo, iyadoo reer Glazers laftoodu ay kusii negaan doonaan kooxda iyagoo kooxda kusii lahaanaya saamiyo laga tira badan yahay.
Hadalsame Media