(St. Louis) 11 Maajo 2023 – Xubin ka tirsan golaha degaanka ee magaalada St. Louis Park, Nadia Mohamed, ayaa qorshaynaysa in ay samayso taariikh cusub markii labaad iyada oo noqonaysa qofkii ugu horreeyey ee Madow ah, misna Soomaali ah, sidoo kalena ah qofkii ugu horreeyey ee Muslim ah ee halkaa ka noqda duq magaalo.
Nadia, oo 26 jir ah, ayaa markii ugu horreeysey jebisay rikoodhka markii loo doortay golaha degaanka 2019-kii, iyadoo noqotay qofkii ugu horreeyey ee Soomaali ah, Muslim ah, iyo xubin ka noqda golaha degaanka uguna da’ yar.
Haddii ay ku guulaysato tartankeeda duqa magaalada dayrtan, waxay noqon doontaa qofkii ugu da’da yaraa ee abid loo doorto xafiiska ugu sarreeya ee degmada Metro. St. Louis Park, waxay ka tirsan tahay Hennepin County, Minnesota.
Dad badan ayaa aaminsan in ay sidoo kale noqon doonto duqii ugu horreeyey ee Soomaali ah ee Minnesota. Intaa waxaa dheer, Nadia waxay noqon doontaa duqii labaad ee Soomaaliyeed ee guud ahaanba kasoo baxa dalka Maraykanka, waxayna sidoo kale noqon doontaa duqii ugu horreeyey ee Soomaaliyeed ee la doorto.
Deeqa Dhalac ayaa horay u noqotay Duqii ugu horreeyey ee Soomaaliyeed 2021-kii markii maamulka magaalada South Portland, Maine, ay u magacaabeen jagada duqa magaalada.
“Waan jeclahay magaaladeenna, waan jeclahay shaqadii aan qabtay afartii sano ee la soo dhaafay,” ayay tiri Nadia. “Waxaan rabaa inaan sii wado inaan safka hore keeno waayo-aragnimadayda nololeed oo aan geeyo meelaha go’aamada lagu gaaro. Waxaan rabaa in magaaladu ay u naxariisato dadka danyarta ah. Taasi waa sababta aan doonayo inaan u tartamo.” ayay raacisay.
Nadia first arrived in St. Louis Park as a 10-year-old refugee with her family. She hasn’t moved out of the city since, including during her college years attending Metropolitan State University in St. Paul. Nor has she ever wanted to.
Nadia ayaa markii ugu horreeysey timid St. Louis Park iyadoo 10 jir ah oo qaxooti ah iyada iyo qoyskeeda. Kamana guurin magaalada tan iyo markaas, xitaa sannadihii ay dhiganaysey Jaamacadda Metropolitan State University ee St. Paul.
Hadalsame Media