(Madrid) 10 Maajo 2023 – Aabbaha dhalay Erling Haaland ee Alf-Inge ayaa la arkayay isagoo laga saarayo qaybta gaarka ah ee garoonka kaddib markii ay isku dhaceen taageerayaasha Real Madrid intii ay socotey ciyaartii semi-finalka Manchester City iyo Real Madrid.
Alf-Inge waxa uu ka soo qaybgalay ciyaartan si uu u daawado wiilkiisa oo hoggaaminaya weerarka Man City ee Santiago Bernabeu ee ka dhanka ahaa kooxda difaacanaysa horyaalnimada Yurub.
Muuqaal lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaya sida uu uga falcelinayey foorjada taageerayaasha Real Madrid xilli ay taageerayaashu guriga joogga ihi ay ku dhawaaqayeen ‘Adios’ iyagoo shidanaya 50-jirkan.
Muuqaalku wuxuu markaa kaddib muujiyayaa aabbaha Haaland oo ay dibedda u saarayaan nidaamiyeyaasha amaanku.
Saxafiga Isbaanishka ah ee Inaki Angulo ayaa soo sheegay in Haaland lagu eedeeyey inuu aflagaadeeyey taageerayaasha Real Madrid intii ay socotey ciyaartu, sidoo kale waxa kaloo lagu eedeeyey inuu cunto ku tuuray kahor inta aan meesha la saarin oo aan garoonka laga cayrin.
Me pasan esto del padre de Haaland expulsado de un palco del Bernabéu después de haber estado insultado y tirando comida a la gente del Madrid pic.twitter.com/S8QuOjHzWx
— IAM TÓXICO (@inakiangulo) May 9, 2023
Hadalsame Media